Waa maxay sababta sucuudigu mar walba xoolaha usoo celiyaa

0

Dawladda Sucuudi Carabiya, ayaa Somaliland dib ugu soo celisay Xoolo ka badan 17 Kun oo Adhi ah.

Xoolahan oo markii hore ka dhoofay Dekedda Magaalada Berbera ee Somaliland isla-markaana gaadhay dalka Sucuudiga, ayaa dib loo soo celiyey, waxaana Markii Siday xoolahaasi uu ku soo jeedaa dhinaca Dekedda Berbera.

Sidaana waxa sheegay Xuseen Jaamac MAxamed (Xuseen Dhuluh) oo ka mid ah Ganacsada  xoolaha oo Telefiishanka HCTV kula hadlay Magaalada Burco Isniintii Shalay.

“Sidaad ogtihiin waxa Sucuudiga ka soo socda Markab Rarran oo buuxa, kaasi oo ka baxay Berbera Toddobaadkan, Markabkaasi wuxuu ku soo beegan yahay Somaliland oo Abaar ah oo aan dayri ka di’in, xoolahaasi waxay u baahan yihiin Biyo macaan iyo xanaano, markaa Dawladda waxaanu leenahay markabkaa ha loo gurmado sidii xoolahaa loo bedbaadin lahaa.”