waxay cadho weyn ka dhalatay fal meel ka dhac ah oo ay dhalinyaro reer Falastiin ah u geysteen qabriga Nabi Muuse CS.

0

Masaajidka Nabi Muuse CS

Waxay cadho weyn ka dhalatay fal meel ka dhac ah oo ay dhalinyaro reer Falastiin ah u geysteen qabriga Nabi Muuse CS.

Dadweynaha falastiiniyiinta ayaa si adag uga fal celiyay qoob ka ciyaar lagu dul sameeyay goobta loo yaqaanno “Maqam al-Nabi Musa” ee ku taalla Daanta Galbeed.

Sidoo kale qaar ka mid ah siyaasiyiinta reer Falastiin ayaa canbaareeyay xafladdaas qoob ka ciyaarka ah oo fiidnimadii maalintii Sabtida lasoo dhaafay masaajidka iyo abriga Nabi Muuse, nabadgalyo dushiisa ha ahaatee.

Muuqaal si weyn loogu faafiyay baraha bulshada ayaa lagu arkay rag dhalinyaro ah oo ku jaasaya goobtaas, iyagoo sidoo kalena khamri ku cabaya gudaha dhismaha qabriga nabi Muuse CS, sida ay shaacisay BBC-da laanteeda afcarabiga.

Qabriga Nabi Muuse wuxuu ku yaallaa bariga magaalada Qudus

Waxaa lagu soo warramay in xabsiga loo taxaabay fanaanad u dhalatay Falastiin oo lagu magacaabo Sama Abd al-Hadi.

Ra’iisul Wasaaraha Falanstiin, Muhammad Shtayyeh, ayaa magacaabay guddi loo xil saaray in ay baadhitaan ku sameeyaan dhacdadaas.

Warar soo baxay ayaa sheegay in dhalinyarada fasax loo siiyay in ay goobtaas damaashaad iyo xaflad ku sameystaan.

Hase ahaatee, mas’uuliyiinta Falastiiniyiinta ee deegaankaas ku sugan ayaa beeniyay in ay bixiyeen fasax oggolaanaya in masjidka lagu sameeyo xaflad.

Meydka Nabi Muuse ayaa la aaminsan yahay in uu ku aasan yahay meel u dhow magaalada Jericho oo ka tirsan dhulka Daanta Galbeed ee bariga Qudus.

Goobta uu qabriga ku yaallo ayaa magac ahaan loo yaqaannaa “Nabi Musa”, sanad walbana waxaa siyaaro u taga dad falastiiniyiin ah.

xigasho bbc