Deg Deg, Labo Caruura oo dab ku shiday miino kuna dhintay iyo dhibaatooyinka haysta dadka xeebta udoogsinka yimid kana soo cararya abarta bilaabantay

0

Deg Deg, Labo Caruura oo dab ku shiday miino kuna dhintay iyo dhibaatooyinka haysta dadka xeebta udoogsinka yimid kana soo cararya abarta bilaabantay

Deg Deg, Walii Aafadii Miinooyinku  way  taagan tahey mid dhulka dushiisa taala iyo mid aasanba oo daadadka iyo dabayluhu ay debada keenaan,

Shalay maqribkii  degaanka GEERI GO<AN oo ku dhow kaantaroolka  galebeed ee magaalada berbera  looga baxo jidka hargeysa  waxaa miino dhulka dusheeda  taalay  gar garaaacay oo markii danbana dab ku shiday labo wiil oo yar yar oo walaalo ah, wiilshan ya yar r ayaa kamid ahaa qoys  usoo doogsi tagey xeebta  kana soo cararay abaarta  hada uun ka bilaabantay  hawdka sare ee Somaliland

Oday Cabdi faarax oo kamida ehelada  qoyska labadaa wiil kaga dhinteen miinadaasi ayaa yidhi,

Waa nasiib daro in bambooyinkii iyo miinooyinkii hadhaaga ahaa wali meelaha  qaarkood  aay sii yaalaan  kuwaaas oo halis  keena sababta geeri iyo khasaare kaleba,

Labadan wiil  caruur ayay ahaayeen magacyadoodu waxay kala ahaayeen Shaafici  Cabdi jaamac iyo Subeer cabdi jaamac oo da,doona waxya kala ahaayeen 3jir iyo 7 jir   miinadana  dab ayay ku shideen  sidaas ayaanay ugu qaraxday, xataa jidhkoodii way goo gooysay, waa geeri naxadin leh oo qoyskaasi ku dhacday iyo anaga dhamaantayoba, illahayna Samir iyo iiiimaaan ha inaga siiyo,

Dabcana  waxaa iyagana qoys kale oo ka mida  dadkaa  abaarta  ka yimid ee xeebta iyo buuralayda  degmada sheik nolasha usoo doontay helay in wiil yar oo xoolo loo diray ka dhacay am aka shalwaday buur halkaan uu ku dhintay  sadex casho kadibna la helay maydkisii,

Hadaba  bulsho aad u badan oo reer guuraa aha ayaa  bilihii udanbeeyay siwayn ugasoo cararyay abaarta madaxeedii  bilwday eek a taaagan degaanno badan oo soomaaliland ah waxaanay xiligan ay yimaadeen  degaamada xeebta oo roobabku ku danbeeyeen barwaaqana ah inkastoo  xooluhu ay haystaan baad  biyana anay wayaynin  waxaa hadana  dhibaato kala duwan la kulmay dadkii oo aan xeebta tabaheeda nolaleed waxba ka aqoonin      oo ay u raacdo baahiyo kale oo ay kamid yihiin raashin  la aan iyo sidii ay uheli lahayeen biyo nadiifa, xataa  arimo cafimaad ayaa jira oo dadka intooda  badani  kaneeco iyo hargab qufaca ayay ka cabanayaan,