Magacyada iyo xilalka mas’uuliyiintii ku dhintay qarixii Gaalkacyo

0

Faahfaahin ayaa kasoo baxday qarax maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo ay ku dhinteen mas’uuliyiin u badan saraakiil ciidan.

Qaraxa ayaa lala eegtay garoonka Cabdullaahi Ciise ee ku yaalla dhinaca koonfureed ee magaalada, halkaas oo la sheegay in uu ku wajahnaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, iyo wafti uu hoggaaminayo oo maalmahan booqasho ku joogay deegaannada Galmudug.

Dadka ku dhintay qaraxan, oo la rumeysan yahay inuu fuliyay qof walxaha qarxa isku soo rakibay, waxaa ka mid ah:

Taliyihii qeybta 21-aad ee milatariga xoogga Soomaaliya, Janaraal Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje Dagaari),

Taliyiyihii Ciidamada danab, qeybta Galmudug, Korneyl Muqtaar Cabdi Aadan.

Taliye ku xigeenkii ciidanka danab, qeybta Galmudug, Dhamme C/raxmaan Mire Cali.

Duqii hore ee Degmada Gaalkacyo- Qeybta Puntland, Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumeey).

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa xaqiijiyey geerida saraakiisha, waxaana uu guud ahaan ciidanka xoogga iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida ku timid saraakiisha iyo dadkii shacabka ahaa ee lagu dilay qaraxa.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda ee Gobolka Banaadir, Cali Yare Cali, oo qoraal soo dhigay boggiisa Facebook-ga ayaa tacsi u diray eheladooda.

“Aniga oo ku hadlaya afka maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka reer Muqdisho waxaan tacsi u dirayaa maamulka Galmudug, taliska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, qoysaskii iyo saaxiibadii ay ka geeriyoodeen walaalaheen ku dhintay qarixii Gaalkacyo, ka shaqsi ahaan waxaan tacsi u dirayaa labadeeydii saaxiib ee sida sawirkan ka muuqata Midig iyo Bidix ii ahaa muddadii aan ka shaqeynayay dhismihii Galmudug Sarreeye Guute Cabdicasiis C/laahi (Qooje Dagaari) iyo Gaashaanle sare Muqtaar Cabdi Aadan iyo saraakiishii kale ee la dhimatay waxaana Alle uga baryayaa naxariistiisii Janno,” ayuu yidhi.

“Sidoo kale waxaan Tacsi gaar ah diyaarayaa Duqii hore ee Degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumeey) oo ahaa halyeey taariikhdu ku xusi doonto kaalintiisii lama ilaabaanka aheyd ee uu ka qaatay Nabadeyntii walaalaha Gaalkacyo wada daga.”

“Dowlada Federaalka waxaan ka codsanayaa in ay kaalmo deg deg ah la gaarto dadka walaalaheen ah ee reer Galkacyo.”

Dhowaan ayay ahayd markii qarax uu ka dhacay Gaalkacayo, kaas oo lala eegtay xarun dowladdeed.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay jihooyinka dowladdeed ee kala heerka ah.

Qabanqaabada soo dhoweynta waftiga Ra’isulwasaaraha ayaa halkaas ka socotay markii uu qaraxa dhacayay.