Dowladda federaalka Itoobiya ayaa markii u horeysay shaacisay qorshe ay ku rabto inay si deg-deg ah ugu soo gacan dhigto madaxda maamulka TPLF, kadib markii ay balan qaaday abaalmarin kumanaan dollar ah.
Ciidamadda Qaranka Itoobiya oo war soo saaray ayaa ku dhawaaqay inay dul dhigeen hogaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael lacag dhan 10-milyan oo lacagta Itoobiya ah, isla markaana u dhiganta in ka badan 255-kun oo dollar, taasi oo la siin doono ciddii soo sheegta xog ku saabsan Debretsion.
General Asrat Denero oo ah madaxa warbaahinta ee ciidanka ayaa damaanad qaaday inay lacagtaas kumanaanka doollar ah ay siin doonaan qofkii soo sheega macluumaad u sahlaya inay gacanta kusoo dhigaan.
Arrintan ayaa imaneysa xili ay dhawaan xukuumadda Abiy Axmed ku dhawaaqday inay ku raad-joogto hogaamiyeyaasha TPLF oo ka firxaday gobolka Tigray oo caasimadiisa Mekelle ay si buuxda ula wareegen ciidamada federaalka.
Madaxda TPLF ayaa ilaa hadda si rasmi loo ogeyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen, marka laga reebo hogaamiyaha kooxdaasi oo fariimo hanjabaad ah warbaahinta caalamka u mariya xukuumadda Abiy, oo wada howl-galo gacanta loogu soo dhigayo.
Debretsion Gebremichael ayaa balan qaaday inay wadayaan dagaalka ilaa inta ay ka dhimanayaan, maadama uu ku doodayo inay xukuumadda Abiy tahay cadow kusoo duulay gobolkiisa.
Si kastaba, dagaalka Itoobiya ee toddobaadyada socday ayaa u muuqda mid uu xoogiisu joogsaday, kadib markii ciidamada Millaterigu la wareegen caasimada gobolka Tigray ee Mekelle oo ay hore gacanta ugu hayeen madaxda TPLF.