Shirkii Garoowe uga Socday Ra’iisal-wasaaraha Somalia & M/weynaha Maamul-goboleedka Puntland oo fashil ku dhamaaday

0

Shirkii Garoowe uga Socday Ra’iisal-wasaaraha Somalia & M/weynaha Maamul-goboleedka Puntland oo fashil ku dhamaaday+Qadiyada laysku maandhaafay

Waxaa gebi ahaanba fashil ku dhammaaday, kulamo kala duwan oo dhexmaray Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Farmaajo Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweyna Maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kadib markii la isku fahmi waayay xal u helidda muranka Doorashada 2020/2021.

Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa ka dalbaday Puntland, in ay magacowdo guddi-hoosaadka Doorashooyinka heer Puntland, kadibna Muqdisho la isugu yimaado shir u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, si loo xalliyo muran ka jira.

Balse, Madaxweyne Deni ayaa shardi ka dhigay in marka hore Dowladda Federaalku ogolaato in Jubaland gacanteeda lagu celiyo Gobolka Gedo, si ay Doorashada uga qabtaan, taas oo Ra’iisul wasaaruhu diiday.

Sidoo kale, Mr Deni wuxuu codsaday in dhammaan la beddelo xubnaha Guddiga Doorashooyinka ku metelaya  Gobollada Waqooyi  islamarkaana guddi la isla ogolyahay la sameeyo, si muranka looga gudbo.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaare Rooble ayaa Caawa diiday in uu ka qayb-galo xaflad saagootin ah oo loogu sameeyay Madaxtooyada Puntland, waxaana la filayaa in uu berri u safro dhinaca Galmudug.