Madaxweyne Muse Biixi oo Booqosho rasmi ah ku tegaya Dalka Kenya Berrito

0

Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu socdaal shaqo ugu baxo Dalka Kenya,, booqashadan ayaa la sheegayaa inay jawaab u tahay casuumad uu ka helay madaxda dalka Kenya.Warar lagu kalsoonaan karo  ayaa xaqiijiyey in maalinta Berrito socdaal ugu baxayo wadanka Kenya oo uu ku joogi doono socdaal dhawr maalmood qaadan doona. sidoo kale wararka ayaa sheegaya in safarka Madaxweyne Muuse Biixi ay qayb ka noqon doonaan wasiiro ay ka mid yihiin.1. Wasiirka Arrimaha dibada, Prof. Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir,

(Faratoon).2. Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed.3. Wasiirka Caafimadka , Cumar Cali Cabdilaahi.4. Wasiirka Deeganka Iyo Horumarinta Reer Miyaga, Shugri Xaaji Ismaacil Bandare.5. Wasiirka Maalgashiga, Maxamed Axmed Maxamuud, (Cawad).