Weerar lagu dilay 7 Sarkaal,5-kalena lagu dhaawacay oo lala beegsaday Milateriga Somalia

0

Wararka ka imanaya maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in ugu yaraan shan qof ay dhinteen afar kalena ay dhaawacmeen kadib weerar ka dhacay meel u dhow magaalada Guriceel.

Weerarkan ayaa la sheegay in dablay hubaysan u gaysteen gaadiid ay la socdeen xubno ka tirsan saraakiisha ciidanka oo kasoo laabtay xerada tababarka ee Xoosh ee degmada Guriceel. Gaadiidka la weeraray ayaa la sheegay inay u socdeen dhinaca degmada Ballanballe.

Weriyayaal ku sugan gobollada dhexe ayaa idaacadda VOA u sheegay in weerarka ay gaysteen dablay hubaysan, ilaa haatanna ma cadda sababta weerarka.

Saraakiisha ciidanka ee la weeraray ayaa la sheegay inay soo dhammaysteen tababar, welina aan loo kala qaybin qaybaha ciidanka ee ay ku kala biiri lahaayeen.

Magacyada & Derejada Saraakiisha la laayey:-

1-Gaashaanle Dhagaqool Yuusuf.

2-Gaashaanle Cabdi Guuna Guune

3- Laba Xidigle Faarax Jaamac Colaad

4- Kabtan Shariif Cirro Maxamed,

5-Gaashaanle  Gaangul Xalane,

6- Kabtan Siciid Xassan Faleey

Sidoo kale waxaa jira Saraakiil Nolol iyo geeri intaba lagu la’ayahay, kuwaasoo Magacyadooda lagu sheegay.

1-Laba Xidigle Qalbi Indha tag,

2-Gaashaalne Cayrow Warsame Xassan iyo.

3 Kabtan Suldaan Dirir.

Saraakiishan oo ka tirsanaa Millateriga Soomaaliya oo dhamaantood isku beel ahaa ayey wararka qaarkood sheegayaan in loo dilay falal la xidhiidhaa aanooyin qabiil oo waayadii dambe ka jiray beelaha dega Guriceel iyo Balanbale.