Musharaxiinta Mucaaradka ku ah Farmaajo oo Magacaabay Taliyeyaal Ciidan+Sababta

0

Musharixiinta u taagan doorashada Madaxweynaha soo socda ee Somalia ayaa Magacaabay Saraakiil Ciidan oo amnigooda ilaalin doona.

Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib shir maanta Midowga Musharaxinta ay ku yeesheen Muqdisho.

Saraakiisha la magacaabay ayaa la sheegay in qaarkood ay ku jiraan ama ka mid ahaan jireen Ciidanka Millatariga Soomaaliya, waxaana ka mid ah Jen. Yuusuf  Maxamed Siyaad (Indhacadde) iyo Jen. Max’uud Macalin Koronto oo mar ahaa taliyaha ciidanka XDS qeybta 12-ka Apriil

Mucaarad Magacaabay taliyeyaal ciidan ayaa dad badan walaac ku abuurtay, iyadoo xaalad ismari waa ah ay ka taagan tahay gudiyada doorashada ee DF magacowday oo mucaaradku ay diideen iney aqbalaan.