Shirkada DP world oo u jawaabtay Ismail Omar Geele

0

Shirkadda DP world ee maalgashiga ka wadda dekedda Berbera ee Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay hadal uu dhawaan Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele ku sheegay inaanu jirin wax horumar ah oo DP world ka samaysay dekedda Berbera.

Madaxweyne Geele oo dhawaan waraysi uu la yeeshay wargeyska The Africa report, ayaa wuxuu sheegay inaanu jirin wax horumar ah oo ay DP world ku samaysay dekedda Berbera. Haseyeeshee war-murtiyeed ay DP world soo saartay waxay ku sheegtay inaanay waxba ka jirin hadalada MadaxweyneGeele, “Sheegashada Madaxweynaha ee ah

inaanu jirin wax horumar ah oo ka socda dekedda Berbera waa been abuur aan ku salaysnayn aragtida macquulka ah ee madaxweynaha.” Ayay tidhi DP world, waxaanay intaas raacisay, “DP world waxa kago’an inay ku maalgeliso $ 442 Milyan dollar horumarka dekedda Berbera, waxaana dhammaaday 70% ka mid ah, waxaanay kor u qaadi doontaa awoodda 500,000 TEUs sannadkiiba.”

DP world waxay sheegtay in bishii August ee sannadkan ay dhamaystirtay 400m oo cusub oo lagu kordhiyay terminaalka cusub ee koontiinarada,

iyadoo sidoo kale rakibtay wiish cusub, waxaana la filayaa in dhismaha terminalkan la dhammaystiro bisha March ee sannadka soo socda.

Tan iyo intii dp world la wareegay dekada berbera maamulkeeda waxa si wayn isku soo tarayay horumarka ay ka sameysay adeega ganacsatada wax kala soo degta oo kor loo qaaday, Dekada ayana 24 saacadoodba shaqaysa, sidoo kalena waxaa dhamaad ku dhow dekada qaybntii lagu kordhiyay ee 400m ahayd , waxaana bilaabmi doona in shaqadu laban laabanto iyadoo shaqo abuur balaadhana kasoo bixi doono,,

Xaqiiqdii lbadii sano ee u danbeeyay shaqada dekadu tadawar wayn ayaay ku socotay ,Hawlwadeenka dawlada uga wakiilka ah guud ahaan dekada berbera ahna maareeyaha dekadaha somaliland siciid xasan cabdilaahi ayaan Rukun culus oo maamul wanaa u ah horumarkaa ka muuqada dekada ee dhisid iyo qalabayba leh, waxaana mareeye siciid Taariikhda u galaysa Arad tirka uu ku sameeyay dekada berbera oo maanta Awood u leh in lagusoo Calaqo ama lagusoo xidho maraakiibta caalamka uu waaweyn ee loo yaqaan, Marher Ship,