Hebeladii Ku Caan Baxay Run-Sheegnimada Sanadka Waxa Inaga Baxay, Laba Nin Oo Cul-culus”Siyaasi Cali Guray

0

UMMAD YAHAY TIRAA KAA GEDMANE WAX ISU GEYGEYSO

Hebeladii Ku Caan Baxay Run-sheegnimada Sanadka Waxa inaga baxay laba nin oo culculus waa Marxuum Cali Khaliif iyo Xasan Guure labadaba Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo eh. kuwii kaga mudnaa jiray madaxda sare agtoodu Ilaahay Agtiisa kagama mudnaan doonaan. Waayo been iyo khaayinnimo Ilaahay looguma dhawaado ee waa lagaga fogaadaa. Inta ummadeenna ay beenta iyo khiyaamadu fariidnimo tahay runta iyo daacadnimaduna ay nacasnimo tahay dhaqan ahaanna siyaasaddana aynu uba naqaan “been iyo khiyaamo”