Nigeria: Ragga wax kufsada oo lagu ciqaabayo qalliin yareynaya awoodda ragannimadooda, macnihii wala dhufaanayaa,

0

Golaha xildhibaannada gobolka Kaduna, ee waqooyi-galbeed dalka Nigeria, ayaa ansixiyay in qalliin lagu yareynayo ragannimada lagu sameeyo dadka lagu helo kufsiga, si ciqaab looga dhigo.

Haweeneyda gobolka u qaabilsan arrimaha haweenka iyo horumarinta bulshada, Hafsat Baba, ayaa arrintaasi ku tilmaantay talaabo wanaagsan, waxayna sheegtay inay ciqaab u noqon doonto kuwa wax kufsada.

Barasaabka gobolka Nasir Ahmad el-Rufai ayaa haatan laga doonayaa inuu ansixiyo si uu gobolka sharci uga noqdo.

Bishii June barasaabyada gobollada Nigeria ayaa ku dhawaaqay xaalad egdeg ah oo ku saabsan kufsiga iyo tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta dalkaasi ku nool.

Ma badna tirada kiisaska dacwadaha la xiriira kufsiga ee la xalliyo, waxaana aalaaba jira in haweenka kufsiga loo geysto aysan booliiska u dacwoon sababo la xiriira iyagoo ka baqaya in lagula kaco takoor.