Maamulaha kastamaka Berbera o ka hadlay Moobilo ay dib u cashuureen o dhanka boosaaso sharci daro ugasoo galay

0

Kootarabanka ayaa ah  tabo ay isticmaalaan ganacsatada qaarkood  marka  lagu giijiyo  illalinta cashuuraha e kastamada ,

Bishan  julay 15/2020 ayaa  Gaadhi noociisu yahay waraad  o sida Hadhuudh  waxa lagusoo qariyay Moobilo nooca loo yaqaan  Tecno o  tiradoodu dhamayd 1050 xabo,

Kaantaroolka Rugta  Booliiska e Tuulada HUNDUSA ayaa  Qabtay  Moobiladan o bilaa cashuur kusoo galay dalka,

Maamulaha Kastamka Berbera Axmed Maxamed habane  o warbaahintu wax ka waydiisay  Shixnadan Moobilada ah e Booliisku qabtay Ayaa sheegay  in  ay billaa cashuur ahayeen  baadhitaan ka dibna dib loo cashuuray  Waxaanu intaa ku daray in  ay dalka kazoo galeen dhinaca  boosaso ,  laakiin gadhigan siday waxaa iminka lagasoo saaray magaalada burco,

Dabcana  maamule habane Wuxuu intaa ku daray in ay baadhistii ku ogaadeen in moobiladani ay ahaayeen 20 kartoon o intoodii kale burco ay taalo, Tirada guudna waxay noqonayeen 8000 o xabo  halka  waqti xaadirkan  gacanta lagu dhigay 1050 o dib loo cashuuray kuna jiray 7 kartoon         iyadoo ganax na loo raaciyay ninkii lahaa,

Maamule Axmed Maxamed habane wuxuu intaa ku sii daray in  ay si adag ulla dagaalamaan  shixnadaha cashuurta lagala dhuunto hay,adaha sharciga u leh,

Hadaba warbaahinta o si hoose u heshay Entry gii dib loogu cashuuray Moobiladan Bila Cashuurta dalka kusoo galay aya waxaa ka muuqda qalad xisaabeed, waxaad eegtaa xisaabta la garaacay iyo maxsuulka faraqa u dhexeeya,