Raysal wasaraha dawlada Somaliya o shegay mudo kordhin dhibaatada ka iman karta,kuna dhawaaqay ………..

0

Xasan Cali Kheyre

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay waxyeellada ka dhalan karta muddo kororsi ay sameysato dowladda.

Khayre oo maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay doorashada 2020-2021, ayaa caddeeyay mowqifkiisa, isagoo sheegay “inuusan oggolaan doonin muddo kordhin, doorashaduna ay xilligeeda ku dhici doonto”.

“Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay fahansan tahay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo waqtiga doorashada iyo in loo hoggaansamo dastuurka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xarriiqay in kalsoonida shacabka ay muhiimad weyn leedahay. Dhammaan xubnaha golaha wasiirrada ee goob joogga ka ahaa kulankaas ayaa isku waafaqay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan dardar galinta howlaha doorashada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay baaqa Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in doorashada soo socota ay ku qabsoonto waqtigeeda.Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta dimuqraadiyadda dalka iyo in la sii horumariyo hannaanka doorasho, iyada oo mar walba awoodda loo sii dhaweynayo shacabka Soomaaliyeed.Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay inaan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin.

Muddooyinkana wuxuu muran ka taagnaa sida ay doorashada Soomaaliya u waafaqi karto waqtigii loogu talagalay, iyadoo dhinacyada mucaaradkana ay walaac ka muujinayeen muddo kororsi ay sameysato dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Gudoomiyaha Guddiga doorashada Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa Axaddii Baarlamaanka u soo bandhigtay laba qaab oo doorashada Soomaaliya u dhici karto, balse mid kasta wuxuu sababayaa dib u dhac.