Khilaafka u dhexeeya dalalka Masar iyo Itoobiya ee salka ku haya biyo-xireenka weyn ee ay xukuumadda Addis Ababa ka dhisayso webiga Blue Nile ayaa bilhii dambe sii xoogeystay.
Jawar Maxamed oo lagu sheego inuu yahay ninki sababta u ahaa inuu isbeddel ka dhaco dalka Itoobiya, gaar ahaana inuu is casilo Ra’isal wasaare Dr Hailemariam Desalegn ayaa fariin uu bartisa twitter-ka soo dhigay ku sheegay in Itoobiya aysan ka walaacin cabashada Masar.

“Ma’ahan inaan ka walaacno arrimaha ku saabsan Masar iyo dagaalka ka dhalan kara. Waa arrin faa’iido ugu jirta siyaasadda dalkooda. Dhibkeenna waa faragelin nooga timaada Maraykanka iyo Bangiga Adduunka. Xalka ugu dambeeya waa in la dhiso biyo-xireenka hanjabaad walba oo ka timaado.” Ayuu yiri Jawar

Jawar Mohammed ✔ @Jawar_Mohammed
We should not worry much about the Egyptian bravado and war drum. It’s meant for their own domestic political consumption. Our problem is US and WB partisan interference. The ultimate solution though is #FillTheDam regardless of any threat. 2,834 3:34 PM – Jun 20, 2020Twitter Ads info and privacy
Masar ayaa Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay isbuucan ka codsatay wadaxaajoodka seddex geesoodka ee ku saabsan biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile inuu soo farageliyo.
Masar inta ay cabashadeeda si rasmi ah ugu gudbin Qaramada Midoobay, wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Deguu Andargachew wuxuu warbaahinta dalka Itoobiya uu toddobaadki hore u sheegay Masar iney diyaar u ahayn in wadahadal wax weliba lagu dhammeeyo oo ay dooneyso Itoobiya iney cadaadis siyaasadeed oo ka baxsan wadahadallada ay saarto.
Iyadoo boqolkiiba toddobaatan(70%) la dhammeystiray dhismaha biyo-xireenka ayaa waxaa la filayaa in bisha July la billaabo buuxintiisa, waxaana aad usii yaraanaya waqtiga lagu dhammeystiri karo wadahadallada.