Hogaamiyihii Aqlabiyada baarlamanka kenya o xilkii laga qaday,Aden Bare Ducaale,yaase lagu bedelay

0

Waxaa maanta xilka laga qaaday Aaden Barre Ducaale, oo ahaa hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya.

Xildhibaan Aaden Barre Ducaale oo tan iyo doorashooyinkii 2013-kii ahaa hogaamiyaha aqlabyidda baarlamaanka Kenya ayaa markale wajahay huban la’aan xilkiisa ah.

Bilowgii bishan ayey aheyd markii uu Aaden Barre ka badbaaday qorshe la doonayay in xilka hogaamiyaha aqlabiyadda looga qaado kaddib markii isbeheysiga haya talada ee Kenya uu isbaddallo ku sameeyay xubnaha hoggaanka u ah xisbigaasi ee jagooyinka kala duwan ka haya laba aqal ee baarlamaanka iyo sanetka.

Ducaale oo waqtigaas BBC-da la hadlay ayaa sheegay in sababta uu uga badbaaday xil ka qaadista ay tahay in xubnaha ka tirsan xisbiga ay kalsooni ku qabaan shaqada uu ka hayo baarlamaanka.

“Badbaadada Ilaahey ayaa iska leh….kalsoonida golaha baarlamaanka oo maanta madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ay joogeen dhib ayay kalsooni ii siiyeen… shaqadii aan ka qabtay xisbiga sida in aan baarlamaanka ku hoggaamiyay, arrimihii dowladda oo aan sidii la rabay uga soo baxay anigoo weliba kalsooni ka heysta xitaa dhinaca mucaaradka,” ayuu yiri xildhibaan.

Hoggaamiyaha cusub ee Aqlabiyada Baarlamaanka dalka Kenya ayaa loo doortay Amos Kimunya, waxaa sidoo kale Aadan Keynaan oo kasoo jeeda gobolka Waqooyi bari Kenya loo doortay Xoghayaha Guud ee isbaheysiga xisbiga talada Kenya haya.