liibiyan qarax gaystay Uk+Ra’iisal-wasaare Boris Johnson oo ka hadlay

0

Nin Liibiyaana oo weerar Dhimasho,dhaawac & khasaaro Culus koobsaday ka fuliyay Dalka Uk

Nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Liibiya ayaa weerar mindi loo adeegsaday ka fuliyay magaalada Reading ee dalka Britain, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warbaahinta dalka Britain ayaa ku waramay in ninkan Mindida ku hubeesnaa uu weeraray koox dhalinyaro ah oo khamri ku cabeesay beerta lagu nasto ee Forbury oo kutaala magaalada Reading.

Boris Johnson #StayAlert âś” @BorisJohnson

My thoughts are with all of those affected by the appalling incident in Reading and my thanks to the emergency services on the scene. 18.3K 12:27 AM – Jun 21, 2020Twitter Ads info and privacy 4,887 people are talking about this

SkyNews âś” @SkyNews

BREAKING: Officers have arrested a man at the scene of a “serious incident” at a park in Reading, and he is now in police custody.

Ciidamo katirsan booliiska magaalada Reading ayaa gacanta ku dhigay ninka weerarka geestay xili uu isku dayay in uu baxsado, waxaana booliiska bilaabeen baaritaano ku aadan weerarkan iyo ninka fuliyay ujeedka uu ka lahaa.

Weerarkan ka dhacay magaalada Reading ayaana wali loo aqoonsan mid argagaxiso, waxaana Warbaahinta Britain ku waramayaan in weerarkan uu fuliyay nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Liibiya.

Guntii & Gebagebadii Booliska ayaa codsaday in qofkasta oo haya muuqaal ama sawir la xidhiidha weerarkan uu soo gudbiyo.Geesta kalena waxaa dadka loogu baaqay ineysan baraha bulshada ku faafinin sawirada iyo muqaallada laga duubay weerarka, hadakan ayaa ku soo beegmaya kaddib markii baraha bulshada lagu arkayay muuqaallo dhex-wareegaya oo la xidhiidha weerarka.