Getachew Reda ayaa hadda ah Afhayeenka ( Tigray People’s Liberation Front Horana xilal sare ugasoo qabtay dawladii Meles sanaawi,
WARAYSIGA GETACHEW REDA EE KU SAABSAN WADAHADALKA SOMALILAND IYO SOMALIA EE KA QABSOOMAY DJIBOUTI
Posted by: VOA ( AMHARIC )
Translated by: Ahmed Adam

Getachew Reda ayaa hadda ah Afhayeenka ( Tigray People’s Liberation Front ) ayaa waxa kale oo uu ka mid ahaa shanta nin ee ugu saraysa Golaha Sare ee dawladii Melez Zenawi.Waxa uu ahaa oo kale la Taliyaha Melez Zenawi kana dambeeyey magacaabistii Tedros Adhanom loo magacaabay Wasiirkii Arimaha Dibadda Itoobiya iyo Wasiirka Caafimaadka Itoobiya ka hor inta aanu noqonin Mr.Tedros Adhanom madaxa ( World Health Organization ).
Getachew Reda ayaa isla markaa ahaa Wasiirka Warfaafinta Itoobiya. ( VOA Amharic ) ayaa weydiisay Isniintii,June 15,2020 sababta uu dawladii uu ka tirsanaa ee Melez Zenawi u heshiisiin weyday Somaliland iyo Somalia?
Getachew Reda oo ka jawaabaya su’aashaas ayaa waxa uu yidhi hadalkan hoose:
” Ethiopia waxa Ra’iisal Wasaare ka ah nin aad u degdegaya oo khatar galinaya nabadda Itoobiya iyo wadamada dariskeeda ah. Waxa ka jira qalalaase siyaasadeed gudaha Itoobiya. Waana taas sababta ay isku casishay Afhayeenka Golaha Federaalka Itoobiya Keria Ibrahim.
Abiy Ahmed inta aanu dhexgalin Somaliland iyo Somalia waa in uu usoo jeestaa waaqica ka jira gudaha Itoobiya,iyada oo qalaalaasaha ay ku sii fideen gobolada gudaha Itoobiya taas oo ay sabab u tahay doorashooyinka uu dib u dhigay.
Getachew Reda oo la weydiiyay sababta uu dib ugu
dhigay doorashada Abiy Ahmed in ay tahay khatarta Covid-19 ayaa ku
jawaabay in aanay jirin khatar weyn oo hadda Itoobiya uu ku hayo (
Covid-19 ) isaga oo sabab uga dhigay in dadku ay codayn karaan iyaga oo
taxadiraya si la mid ah sida hawl- maalmood-
koodaba ay u qabsadaan wakhti xaadirkan.
Getachew Reda ayaa waxa uu ka jawaabay sababta aanay dawladii Melez Zenawi aanay udhexdhigin heshiis Somaliland iyo Somalia waxana uu ku jawaabay:
” Abebe Gellaw su’aashaas aad I weydiisay waa mid muhiim ah,laakiin wali inta aanan kaaga jawaabin ayaa waxa aan marlabaad kuu sheegayaa fudaydka Abiy Ahmed.
Somaliland waxa ay June 26,1960 xoriyad ka
qaadatay Ingariiska,Somaliyana July 1,1960,kooxda Ingariiska uu
maamulaayay ayaa la midoobay kooxdii uu talyaaniga maamulaayay.Halgan
dheer ka dib May 18,1991,qaybta uu maamulaayay Ingariiska ayaa waxa ay
ku dhawaaqeen in ay dib uga noqdeen midnimadii ay la galeen Somalia,
markaas aniga waxa aan joogay Addis Ababa.
Waxa jiray xidhiidh
aan toos ahayn oo uu waday Melez Zenawi oo ahaa in uu xaaladda
Somaliland usoo bandhigo Ururka Midoowga Afrika,waayo ilaa hadda ma
jirto go’aan kale oo aan ahayn ka soo noqoshada midoowgii ay la galeen
Somalia oo ay aaminsanyihiin dadka Somaliland.Siyaasadda Ra’iisal
Wasaare Zen-
awi ayaa ahayd in aan loo baahnayn heshiis dhex mara
Somaliland iyo Somalia,hadii Somaliland uu aqoonsado iyada ayaa taqaana
luqadda lagaga hadlo Muqdisho,iyada ayaana heshiis dhex dhigi lahayd
kooxaha iyo argagaxisada ku nool Somalia.
Marba hadii aanay rabin in ay dib ula midoob-
aan Somalia,markaas ma jirto sabab aan u heshiisiinayno Somaliland iyo
Somalia,laakiin waxa aan kor u qaadnay xidhiidhka Itoobiya iyo
Somaliland oo hadda hadii aan runta kuu sheego uu Ra’iisal Wasaarahan uu
dhulka dhigay xidhiidhkaas.
Waxa kale oo sidaan hore kuugu sheegay uu Ato Melez Zenawi uu ka shaqeeyey in uu xidhiidh dhaw uu dhexdhigo Ururka Midoowga Africa iyo Somaliland,waxana aan Addis Ababa kula kulmay April 2005 wafdiga ( OAU ) ee ku socday Hargeisa,caasimadda Somaliland ,laakiin warbixintii go’aankaas halkaas lagama qaadin,waana dadaal la’aan ka timid labada dhinacba.
Waxa kale oo uu Ato Meles Zenawi u sheegay Safaaradda Maraykanka in ay Somaliland u baahantahay furdaamin ku salaysan ka jawaabista codsiga shacabka Somaliland waxana jiray qorshe uu ku doonaayay Melez Zenawi in Somaliland ay noqoto wadan dariskeena ah,go’aamada aan wadnay ayaa waxa hakiyey markaas xanuuno la soo gudboonaaday Ra’iisal Wasaare Zenawi.
Waxa jirta in Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed aanu taariikhda Somaliland aqoonba u lahayn.
Maanta hadaan weydiiyo waa maxay dayuuradda taalo ahaan u taala
badhtamaha Hargeisa,kuuma sheegi karo,sababta oo ah aqoonba uma laha
Somaliland.
Markaas sidee baa nin aan aqoonba u lahayn Somaliland,moodayana sida gobolka Tigre ama gobolka Oromia ama gobolka Amara uu u heshiisiin karaa Somaliland iyo Somalia?
Inta aanu heshiisiin ha soo barto in ay laba wadan kala ahaayeen Somaliland iyo Somalia,hana soo barto taariikhda labada wadan.
Degdega ka muuqda Abiy Ahmed waxa uu khatar galiyey Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi ka dib markii uu damcay in isaga iyo Madaxweynaha Somalia ay ka soo degaan Hargeisa.Waxa uu isku diray shacabka Somaliland iyo madaxweynahooda.
Waxa kale oo la ii sheegay in uu yidhi waxa aan heshiisiinayaa North Korea iyo Japan! Dadkiisa ku dhaqan gobolka Oromia waxa ay hadda u bixiyeen ( Marata ) oo ah af Oromo macnaheedana ay tahay ( Ninkii Maskaxda ka waalnaa )”.
Note:Waraysiga waxa qaaday Abeba Gellaw oo ka tirsan VOA Amhara,waxana aan ka soo qaadanay inta ugu muhiimsan.