Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland o Jawaab Siiyay Dhigiisa dawlada xamar

0

Somaliland: Hadalka Amb Axmed Ciise Cawad waxaan u aragnaa mid khaldan

Waxaa muuqanaysa in markale uu soo laba kacleeyay khilaafkii u dhaxeeyay dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta, arrintan ayaa timid kaddib markii wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya uu waraysi uu siiyey telefishanka Al-Carabiya uu ku sheegay in shirkadda DP-World ee Imaaraadku ay khatar gelisay madaxbannaanida dhulka Soomaaliya.

Amb Axmed Ciise Cawad waxa uu intaasi ku daray in la joogo waqtigii shirkaddaasi dalka laga difaaci lahaa. Wareysiga ayaa dhaliyey hadal hayn fara badan oo dhanka barasha bulshada ah.

Haddaba wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad ayaan kula xiriirnay khadka taleefanka, waxa uu u warramay Cabduraxmaan Cali Dhimbil oo ugu horreyn weydiinnay waxa hawshan soo cusboonaysiiyey?

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya “Imaaraatka farogalin ayuu ku hayaa Soomaaliya” wuxuu u warramay Cabdiraxmaan C. Dhimbiil

Posted by BBC News Somali on Wednesday, 10 June 2020

Dhanka kale Jamhuuriyadda goonni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa iyana dhankeeda ka Jawaabtay hadalkaasi kasoo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee ku saabsanaa joogitaanka shirkadda DP-World ee Somaliland.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo luuqada Carabiga ku qornaa ayaa waxaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin hadalkii ka soo yeeray Wasiir Cawad uuna yahay mid khalkhal gelin lagu samaynayo xiriirka Somaliland iyo Imaaraadka.

Somaliland: Hadalka Amb Axmed Ciise Cawad waxaan u aragnaa mid khaldanhttps://bbc.in/2YjpSv4

Posted by BBC News Somali on Wednesday, 10 June 2020

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa isna waxaa khadka taleefanka kula xiriiray Cabdiraxmaan Cali Dhimbiil.