Fadhigii Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee maanta ayaa xasaanadii laga xayuubiyey 12 xildhibaan, oo katirsan baarlamaanka ddsi
Xildhibaanada ayaa lagu eedeeyay in ay ku kaceen fafal ka hor imanaya anshaxa golaha kuwaasi oo markii danbe abuuray muran sababay gacan ka hadal oo hadheeyay fadhigii golaha.
Xildhibaanadan laga qaaday xasaanadoodii ayaa doonayay in ajendaha kulankii maanta lagu daro xilka qaadis ay la damacsanaayeen qaar ka mid ah madaxda ugu sareysa dowlad deegaanka.
Xildhibaanadaas ayaa isku deyay inay carqaladeeyaan fadhiga golaha, kadib markii guddoonku ka aqbali diiday ajendihii ay wateen, waxaana gudaha u galay hoolka ay ku shirayeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, kuwaas oo u gacan qaaday xildhibaanadii watay ajendaha xil ka qaadista ah.
Intaas kadib fadhigii golaha ayaa cod xasaanad ka xayuubin ah loogu qaaday xildhibaanadaas oo gaadhaya 12 xubnood, waxayna xubnihii kale ee baarlamaanku ogolaadeen in xaaaanadda laga xayuubiyo.
Xildhibaanadaas ayaa kala ah:
Maxamed Axmed Layli
Axmed Aadan Axmed
Cabdiwali Axmed Faarax
Mahad Xasan Maxamed
Shaafi Cashiir
Nadiir Yuusuf Aadan
Cabdirisaaq Cabdullaahi Belyi
Yuusuf Cilmi Isaaq
Axmed Xasan Nuur
Yuusuf Axmed Xirsi
Dr Nimcaan Cabdullaahi Xamare,
Cabdiraxmaan Curaagte.
Intaa ka dib waxaa faah faahin ka bixiyay talaabada xasaanada lagaga xayuubiyay 12xildhibaan masuuliyiinta ka tirsan golaha baarlamaanka iyo wasiiro.