Xiddigii hore ee kooxda Manchester United iyo Portugal ee Luis Nani ayaa ka sheekeeyay mid kamida dhacdooyinka cabsida lahaa ee isaga iyo tababare Sir Alex Ferguson soo dhex maray

0

Xiddigii hore ee kooxda Manchester United iyo Portugal ee Luis Nani ayaa ka sheekeeyay mid kamida dhacdooyinka cabsida lahaa ee isaga iyo tababare Sir Alex Ferguson soo dhex maray mudadii uu kusoo sugnaa Old Trafford. Nani ayaa sanadkii 2007 Man United kaga soo biiray dhinaca Sporting Lisbon balse mudo ayay ku qaadatay inuu la qabsadaa iyadoo ay caqabad ku noqotay luuqadu.

Sheekada uu haatan Luis Nani banaanka keenay ayaa ah kulan uu rigoore khasaariyay oo ay booqdeen kooxda Fulham sanadkii 2010 iyadoo uu waliba masuuliyada rigoorahaas kala wareegay Ryan Giggs oo ahaa xiddiga asal ahaan lahaa.

Nasiib darro Nani oo kalsooni weyn kulankaas qabay ayaa khasaariyay rigoorahaas oo ciyaarta ka dhigi lahaa 3-1 iyadoo ta kasii xanuunka badani ay ahayd in Fulham ay goolka bar-bardhaca ku qabatay United daqiiqadii 88-aad ee ciyaarta.

Nani ayaa sheegay in markii ay qolka labiska tageen uu Ferguson ku dhawaaday inuu dilo isaga oo ku canaantay hadalada ah cida uu is mooday iyo haddii uu isku maleeyay Ryan Giggs oo masuuliyada rigooraha lahaa.

Nani oo bogga rasmiga ah ee Man United u warramayay ayaa yidhi “Waxaan u ciyaarayay si aan caadi ahayn aniga oo qabay kalsooni badan”

“Waxaanu ku guuleysanay rigoore waxaana uu ahaa Ryan Giggs ka qaadan jiray rigoorayaashu laakiin waxaan dareemay kalsooni Giggs-na waxba ma uusan odhan” Sidaas darteed waxa aan qaatay rigooraha laakiin waan khasaariyay, rigooruhu waxa uu ka dhigi lahaa 3-1 intaas kaddibna qolka labiska, (Ferguson) wuu i dilay waxa uu yidhi ‘Nani yaad isku malaysay?, yaa ku siiyay ogolaansho aad rigooraha ku qaadato? Ma Ryan (Giggs ayaa ku siiyay)?”