Maamulka Puntland oo hub fara badan lagala baxsaday,Halka lala galay & wararkii ugu dambeeyey

0

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo ku sugnaa gobolka Bari ay habeen hore la baxsadeen hubkooda, kadib markii ay si dhuumaaleysi ah uga fakadeen deegaanka Af-Urur.

Ciidamadaasi ayaa lagu soo warramayaa inay u baxsadeen dhanka gobolka Sanaag, iyaga oo doonaya inay iibsadaan hubkaasi oo u badan AK47.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in askarta baxsatay ay yihiin kuwa dhowaan tababar loogu soo xidhay xerada Xorgoble ee Qardho, iyadoona kadib la geeyey deegaanka Af-Urur, si ay ula dagaalamaaan  Al-Shabaab iyo Daacish oo ku xoogan buuraleyda Bari.

Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland Genaraal Yaasiin Cumar Dheere ayaa amray saraakiisha ciidamada maamulkaasi in si deg-deg ah loo soo qabto askartaasi.

Sidoo kale taliyaha oo haatan ku sugan degaanka Badhan  ayaa sheegay in ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan ciidamadaasi, islamarkaana ay la tiigsan doonaan maxkamad, si looga qaado tallaabo adag.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo ay askar ka baxsato Puntland, waxaana jira ciidamo ka tirsanaa maamulkaas oo hub iyo gaadiid la goostay oo ku biiray Somaliland.