Ciyaaryahan Afar Sanno Ka Hor Shil Gaari Inuu Ku Dhintay La Shaaciyay Oo Isagoo Nool La Helay

0

Ciyaartoy loo malaynayay inuu ku geeriyooday shil gaadhi oo dhacay sannadkii 2016 ayaa lagu soo warramayaa in la helay isaga oo caafimaad-qaba oo taam ah, waxaana baadhitaano arrintiisa la xidhiidha bilaabay xeer ilaalinta waddanka Jarmalka.

Hiannick Kama oo u ciyaari jiray da’yarta kooxda Schalke ayay ciyaartoyda kooxdiisu baroordiiq geeridiisa ah u sameeyeen January 2016 markii uu shil baabuur ku galay waddanka Congo, halkaas oo markiiba lasoo wariyey inuu ku geeriyooday.

Sida uu qoray wargeyska caanka ah ee kasoo baxa waddanka Jarmalak ee Bild, Kamba ayaa laga helay aagga Ruhr ee waddanka Jarmalka oo uu kusoo laabtay afar sannadood kaddib markii dhimashadiisa lasoo sheegay.

Kiiska ayay hadda gacanta ku hayaan xeer ilaalinta iyo baadheyaasha Jarmalku, waxaana arrintan xaqiijiyey xeer ilaaliyaha dalka, Anette Milk oo tibaaxay inay baadhis ku wadaan xaaskii hore ee Kamba oo la sheegay inay ka mid ahayd lix qof oo la siiyey lacagta caymiska nafta ee laacibkan.

Milk oo la hadlay Bild ayaa yidhi: “Eedaysanuhu wuxuu ku eedaysan yahay musuq. Laakiin way dafirsan tahay xaqiiqada, baadhitaannaduna way socdaan.”

Gabadhan xaaska hore u ahayd Kamba ayaa la sheegay inay shahaadada dhimashada saygeeda kasoo samaysay waddanka Congo, taas oo lagu shaaciyey waqitigii uu geeriyooday iyo aaskiisiiba, si ay gacanta ugu dhigto lacagta caymiska uu ku jiray laacibkani, waxaanay ku lifaaqday macluumaad kale oo been abuur ah oo arrintan ay ku fushatay.