Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Sheegay in ay Soo Baxday Natiijada 11 Qof oo Dhawaan ay Direen Dheecaanadooda si looga soo Baadho Xanuuna Corona Vires,
Agaasimaha ayaa intaa ku Daray in Dhamaanba 11 Qof Dheecaanooda La DIray Laga Waayey Xanuunka Covid 19,
Waxaanu dhinaca kale sheegay in Lixdii Qof ee Hore looga Helay Cudurka Covid 19 uu Qofkii labaad Ka Bogsaday Halka uu Tilmaamay inay Wanaagsan tahay Xaalada Afarta Qof ee Kale.