Madaxweynaha dalka Belarus oo jaar la ah dalka Ruushka Alexander Lukasjenko ayaa u xaqiijiyay shacabkiisa inaan qofna ugu dhiman doonin cudurka coronavirus dalkiisa, balse shacabka ayaa ballanqaadkiisaas ku tilmaamay mid “la iska yidhi”.
Cudurka corona oo in ka badan 119.000 oo ruux ilaa iyo iminka ku dilay caalmka ayaa dalka Belarusna gaadhay, laakiin wali lama soo sheegin ruux u dhintay.
Madaxweyne Alexader ayaa sheegay in ay hayaan dawo looga hortagayo cudurkaasi ka hor inta uusanba dhimasho keenin.
” – Qof u dhimaneysa coronavirus dalkeena ma jirto. Taas waan xaqiijinayaa. Waxaan haynaa dawooyin la isku darayo oo looga hortagyo cudurkaasi inta uusan dhimasho keenin”, ayuu yidhi madaxweyne Alexander.
Wasaaradda caafimaadka dalkaasi ayaa horay u sheegtay in 2919-ruux laga helay cudurka coronavirus, ayna u dhinteen 29 ruux.
Madaxweynaha ayaa dhimashadaasi beeniyay, waxaana uu sheegay in dadkaasi ay u dhinteen xanuunno kale oo haayay, sida wadno-xanuun iyo macaan.