Deg Deg Markab Sida shixnadihii Bisha ramadan o mudo 8 casho ah ku Xaniban Dekada Berbera iyo sababta

0

Deg Deg war, Dekada Berbera Waxa ku xaniban Markab way o ah kuwa koonteebarada qaada, Markabkan ayaa wuxuu sidaa shixnado kala duwan o u badan waxyaabaha la isticmaalo bisha ramadan sida timirta, qalab caafimaad iyo daawooyin tiro badan,rashino kala duwan , koonteenarada u xambaarsan yahay 890 koonteenar, markabkan ayaa dekada berbera lagusoo Calaqay[ Xidhay 01/04/2020,

Wararka Rasmiga ah e Illo Xog Ogaal ahi ay soo dusiyeena waxay sheegeeyan in Shirkada Oomaar Iska Bixin wayday Kharashkii Adeega (Handling Charges) e ay qaado shirkada Dp World Sida la sheegayna Shirkada Dp World waxay ka Doonaysa Oomaar Compnay Lacag Hore o Adeeg ahayd o dhan $380,000 Doolar taas o ah adeeg hore loogu qabtay,

Hadaba Shirkada Oomaar Sida u Noo sheegay ganacsade wayn o ka tirsan Urka Sofa e ganacsatda somaliland Xafiiskooda Berbera waxa dhacday in omar company markabka o an iamanba u ganacsatadii ay urarnaayeen alaabadu u u jaray D/O o ah warqada Lahaanshaha Alaabad ,kadibna Ganacsatadii illayn waa warmooge ay ay shubeen Lavagtii cashuurta dawlada ,intaa kadib Markii u markabku yimid ayuu yidhi ganacsadahan aan doonayn in magaciisa la xuso waxa iskuu baxasaday ganacsatadii iyo Maamulkii dp world o xanibay markabka si ay u hellan lacagtii hore e ay ku laahyeen, ,

halkaa markuu xaal marayo waxaa Shir galay mamulka xafiiska ganacsatada e Sofa Waxany Arin ula tageen Madaxda Omar Compnay Laakiin wax Natiijo ahi kamay dhalan waxaany qaateen go,an iyagoo warqad u qoray Xukumada Somaliland+ wasarada ganacsiga iyo ta Maaliyada,

dhankalena Sida aanu Xog Ku Helnay mareeyaha Guud e Dekadaha Somaliland Siciid xasn cabdilahi ayaa markuu xal kala gadhi waayay arinkan shirkada oomaar waxaa la sheegay in u warqad furan u diray madaxwaynaha iyo wasaarada ganacsiga, si loo xaliyo ismari waaga ka dhex aloosan Shirkada Dp wolrd iyo Omar Combany,

Illaa hadana Markabkii wuu xaniban yahay,