Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu ka jarayo dhaqaalaha uu siiyo hay`adda caafimaadka adduunka ee WHO sababo la xiriira wax-ka-qabasho la`aanka cudurka coronavirus.
Trump ayaa ku eedeeyay WHO gaabis dhanka cudurka coronavirus islamarkaana ay xilli dambe ku dhawaaqday in cudurkani yahay halis dunida soo food-daartay.

Mareykanka ayaa ah waddanka dhaqaalaha ugu badan siiyay hay`adda WHO oo Qaramada mudoobay u qaabilsan dhanka caafimaadka.
” – Waxa ay galeen khalad, waxaana aaminsanahay in ay ogaayeen laakiin ay ka gaabiyeen. Waana baareynaa arintaasi”, sidaa waxaa shir jaraa`id ku yidhi madaxweyne Trump.
Madaxweyne Trump ayaa qudhiisa lagu eedeeyay in uusan si dhab ah u qaadan khatarta cudurka coronavirus xilli hore
Jawaabta uu Gudoomiyaha Midowga Afrika ka bixiyeye Eedaha Trump:

Moussa Faki Mahamat ✔ @AUC_MoussaFaki
Surprised to learn of a campaign by the US govt against @WHO’s global leadership. The @_AfricanUnion fully supports @WHO and @DrTedros. The focus should remain on collectively fighting #Covid19 as a united global community. The time for accountability will come. 5,765 10:16 AM – Apr 8, 2020Twitter Ads info and privacy 2,836 people are talking about this