Dalka Sucuudiga o Xayiraadii ka Qaaday Xoolihii uga tagi jiray Geeska Afrika Dekadaha ku yaala,
Boqortooyada Sucuudiga ayaa daboolka ka qaaday inay fasaxday xoolihii uga tagi jiray wadmada jabuuti, somaliya ,Somaliland iyo dalka soodaan, kadib markii qiimaha hilibka u kor u kacay dalkaasi ,
Sucuudiga ayaa xoolaha mandaqadana xayiray mudo iminka laga joogo sadex sanadood isagoo ku sababeeyay in xooluhu bukaan, lakiin sida xaqiiqdu tahay arinku wuxuu ahaa mid siyaasad dhaqaale ku jirto,

Mr cabdiraxmaan xuseen shitaar o kamida ganacsatada waawayn e xoolha ka dhoofiya dekada berbera aya noo xaqiijiyay in xoolihii ka dhoofi jiray dekadaha jabuuti, berbera bort sudan ,boosaaso, iyo xamar xiligan ay fasaxaan yihiin loona rari karo wadnka sucuudiga,,
Sidoo kale manta waxaa dekada jida ka degay markabkii kowaad o laga raray dekada jabuuti kaasoo siday Adhi dhan 14000 kun oo neef iyo lix boqol o geela,,
Shirkada ganacsadaha carbeed Al jabiri ayaana la filaya in markabka kowaad u ka raro dekada berbera malmaha fooda inagusoo haya,,
Ganacsade shitaar ayaa kaloo sheegay in fasaxaadani ay la mid ahayn tii Arafada un sucuudigu ogalan jiray laakiiin waa mid caama o soconaysa,,
Hadaba waxa siwayn uga faa,iidaysn doona bulshada xoolo dhaqatada ah o neefkoodu kor u kici doono qiimaha lakala siisto