Carada shacabka ah ayaa sii xoogeysaneysa kaddib markii ay dadka ku dhaqan magaalada ugu caansan dalka Ecuador ee Guayaquil baraha bulshada ku faafiyeen meydad daadsan waddooyinka.
Muuqaalada laga arkayo meydadka lagu qubay jidadka ayaa si weyn la isula wadaagay.

Shaqaalaha caafimaadka ee dowladda ayaa lagu soo warramayaa inay hadda dhibaato weyn kala kulmayaan aruurinta meydadka dadkii dhintay maalmihii lasoo dhaafay – kuwaasoo kaliya aan u geeriyoonin xanuunka coronavirus balse u dhintay sababo kale.
Qaraabada dadka meydadkooda la tuuray ayaa soo tabiyay inay waqti badan oo mararka qaar ilaa 4 maalmood ah sugayeen in laga qaado meydadka, iyadoo qaarkood ay iska dhigeen guryahooda bannaankooda.
Wargeys maxalli ah oo lagu magacaabo El Universo ayaa ku warramay in meydad tiradooda u dhaxeyso 400 ilaa 450 aan wali laga qaadin guryaha ay yaallaan.
Duqa magaalada Guayaquil, Cynthia Viteri ayaa Talaadadii shalay sheegtay in la howlgaliyay mid ka mid ah saddex gawaari ah oo ay saaranyihiin kunteenarrada meydadka lagu keydiyo.