Raโ€™iisul Wasaaraha UK Boris Johnson oo laga helay coronavirus

0

Raโ€™iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa laga helay xanuunka dunida kusii faafaya ee coronavirus, kaddib markii baaritaan lagu sameeyay.

Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha UK ayaa shaacisay warkan.

Mr Johnson ayaa qaba calaamado sahlan oo ka mid ah kuwa uu leeyahay cudurka, wuxuuna si shakhsi ahaan ah isugu karantiilay gudaha xafiiskiisa.

โ€œWaxaa laga baaray coronavirus kaddib markii uu si gaar ah ula taliyay madaxa waaxda caafimaadka, Chris Whitty,2 ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha.

Boris Johson wali wuxuu sii heyn doonaa xilka iyo maamulka dowladda, xilli lala tacaalayo xasaradaha ka dhashay cudurkan, sida lagu sheegay bayaanka.

Bartiisa Twitter-ka ayuu Mr Johnson ku yiri: โ€œ24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaan isku arkay calaamado aan xoog badneyn waxaana iska baaray coronavirus. Hadda waan is karantiilay, laakiin waan sii wadi doonaan inaan dowladda ku hoggaamiyo dagaalka ay kula jirto fayraskan, anigoo shirarka uga qeyb qaadan doona muuqaal ahaan.

โ€œAnnagoo wadajir ah waan ka adkaan doonnaa arrintan.โ€