Xukuumadda Somaliland ayaa waxaa ay goordhawayd war ka soo saartay in dawladda Itoobiya ay Itoobiya ay joojisay maalgashigii ay ku laheyd dekedda magaalada Berbera.
Wargeyska Capital ee ka soo baxa Magaalada Addis Ababa ayaa daabacay in todobaadkii la soo dhaafay dowladda Itoobiya ay hakisay 19% saamiga maalgashigii ay ku laheyd dhismaha iyo ballaadhinta dekeddaasi.
Sidoo
kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Yaasiin Maxamuud Xiir
(Faratoon) oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Kampala ee dalka Uganda
ayaa ka hadley wararka sheegaya in Itoobiya ay joojisay maalgashigii ay
ku laheyd dekedda Berbera.
Waxaana
uu Wasiir Faaratoon sheegay in warkaasi aanay habayaraatee waxba ka
jirin islamarkaana ujeedo gaar ah laga leeyahay arintaasi.