Wafti balaadhan oo ka socda dawlada fadaraalka itoobiya ayaa maanta soo gaadhay caasimada hargaysa kuwaasi oo lagu soo dhaweeyay madaarka cigaal,
Waftigan ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka wasaarada maaliyada Axmed Shide ,wasiirul dawlaha wasaarada arimaha arimaha dibada iyo masuuliyiin kale .
Ujeedada waftiga ka socda dalka itoobiya ayaa lagu sheegay in tahay ugogol xaadhka wafti uu raysal wasaare abiy korkacayo oo dhawaan la filayo in ay hargaysa soo gaadhaan
Sidoo kale xogaha laga helay safarka waftiga ka socda itoobiya ayaa tibaaxaya in ay daba socoto Safarkii madaxwaynaha Somaliland ku tagay itoobiya islamarkaana uu martiqaad ugu fidiyay raysal wasaaraha itoobiya iyo madaxwaynaha somaliya in ay hargaysa yimaadaan balse wararku sheegeen in wakhtigan madaxwayne biixi ka noqday martiqaadkaa kacdoon kaga shacabka awgii, wallow aan la sheegay xaqiiqada rasmiga ee keentay in madaxwayne biixi ka laabto marti qaad uu bixiyay.
Waftigan ka socda dalka itoobiya ayaa qasriga madaxtooyada Somaliland kulan kula leh madaxwayne biixi kaasi oo alaabadu uxidhan yihiin islamarkaana laga hor joogsaday wasiiro xukuumada ka tirsan oo isku dayay in ay galaan qasriga madaxtooyada .
Wixii faah faahin ee kasoo kordha waftiga ka socda iyo itoobiya iyo arimaha ay wada hadleen madaxwayne biixi kala soco wararkeena danbe.