Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in markii ugu horraysay ay muwaadiniinteeda u ogolaan doonto inay u safraan waddanka Sucuudi Carabiya, taas oo ah astaantii ugu dambeysay oo lagu hagaajinaayo xiriirka labada dal.
Hasayeeshee Sucuudi Carabiya ayaanan weli ku dhawaaqin waxay dhinaceeda sameynayso.
Israa’iil iyo Sucuudiga malaha wax xiriir ah oo diblumaasiyadeed balse cabsida ay labaduba ka qabaan Iiraan ayaa haatan isu soo dhaweyneysaa.
Waxaa jiray xiriiro hoose oo u dheexeyo Iiraan kaas oo ay kaga hadlayeen sidii looga hortagi lahaa saameynta Iiraan ay ku leedahay gobolka Bariga Dhexe.
Israa’iil waxay ku rajo weyn tahay in muwaadiniinteeda ay u safraan Sucuudiga gaar ahaan kuwo doonayo in waajibaadka xajka ay gutaan ama howlo ganacsi.
Sucuudiga kama uusan hadlin hadalka kasoo baxay Israa’iil, waxay u muuqata in Sucuudiga uu isku dayayo in uu la yimaado siyaasado furfuran. Waxaa uu Sucuudiga bilaabay dal ku gal loogu talagalay dalxiisayaasha balse muwaadiniinta Israa’iil xaq uma laha dal ku galkaas.