Warbaahinta gudaha: Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxii Afgooye

0

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in gaadhi walxaha qarxa lagu soo rakibay oo uu qof miidaame ahi waday lagu qarxiyey Afgooye oo qiyaastii soddon KM u jirta magaalada Muqdisho.

Gaadhigaa miidaamaha ah ee walxaha qarxaa ku rakibnaayeen waxa lala beegsaday Injineero Turki ah oo joogay goobta la yidhaa Boodboodka oo ku taalla wada isku xidha Afgooye iyo Muqdisho oo ay dhisayeen.

Wararku waxay tibaaxeen in weerarkaa lala beegsaday Injineero Turki ah iy askar booliska ka tirsan oo ilaalinayey.

Ugu yaraan lix qof ayaa lagu dhaawacay oo afar ka mid ahi ay Turki yihiin.

“Baabuur miidaame ah oo xawli badan ku socda ayaa galay goob ay Injineero Turki ah iyo askar booliska ahi ay ka qadaynayeen” ayuu yidhi sarkaal ka tirsan booliska oo la yidhaa Nuur Cali oo ay wakaaladda wararka ee Rueters soo xigatay.

Ciidamada nabadgelyada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Ururka Al-Shabaab ay Jimcihii isku dayeen in ay weeraraan Afgooye, hase yeeshee la caabiyey.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa tebinaysa in “war qoraal ah oo lagu daabacay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada qaraxa, iyagoona sheegay inay ku dhaawaceen ilaa iyo 4 kamid ah Shaqaalaha Tukiga iyo Ciidamo ka tirsan dowladda.”