Hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Amran Maxamed Cismaan, ayaa waxaa kasoo yeeray cabasho ku aadan in gabar ay dhashay oo 16 jir ah ay heystaan ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya.
Hadaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa durba ka jawaabtay cabashada kasoo yeertay Hooyo Amran Maxamed Cismaan.
Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah agaasimaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya, kana jawaabayay cabashada Hooyadan, ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaan cabashada Hooyo Amran.
Cabdinuur oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay inay soo gaartay cabashada hooyadan Soomaaliyeed isla markaana kiiskaan uu kala xiriirayo Maxakamadda ku shaqada leh.
“Waan maqalnay qaylo dhaanta Hooyo Amran Maxamed Cismaan oo ilaa shalay baraha Bulshada lagu faafinayay, waxaana xiriir la sameynay Maxakamadda kiiska gacanta ku haysa, xeer ilaaliyaha dacwada soo oogay iyo Madaxda askarta la eedeeyay.” Ayuu yiri Cabdinuur.
Agaasime C/Nuur ayaa sheegay inuu jiro farqi weyn oo u dhexeeya sida wax loo tabinayo iyo sida ay wax u jiraan.
“Waxaa ii muuqata in baaritaan daahfuran loo baahanyahay si la isu waafajiyo cabashada hooyada iyo aragtida ay qabaan qeybaha kala duwan ee kiiska ku lug leh. Xoguhu sida qolo walba u tabinayso waa wax kala fog.”
Waxa uu soo jeediyay inaan warkaan la buunin maadaama uu kiiskaan u baahanyahay hubin iyo baaritaan.
“Inta taas laga xaqiijinayo, waxaa habboon in laga fogaado buunbuuninta wararkan hubinta u baahan, warbaahintuna waa in ay dheelli-tir ku sameyso waxa ay bulshada la wadaagayso si aan loo sii abuurin jahwareer kale.” Ayuu yiri.
Qoyska Amran ayuu tilmaamay inuu u xaqiijiyay inay ku garab istaagayaan cadaaladda iyaga iyo qof kasta oo dhibane ah sidaa darteed marka hore baahanyahay inaan laga hordhicin baariska kiiska