nnaa lillahi waa innaa ileyhi Raajicuun
Alle SWT haunaxariisto adeero Axmed-Keyse Xaaji Ducaale Cabdale oo maanta ku geeryooday gobolka Arizona ee dalka maraykanka.
Taariikh kooban oo aan kasoo dheegtay Macalim Maxamed Baashe Xaaji Xasan :
Axmed Keyse Waxa uu ka mid ahaa hormoodkii ururkii SNL. Waxa uu xubin ka ahaa weftigii London loo diray ee qaadashada gobannimada soo saxeexay.
Oo kala ahaa :- Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Axmed-kayse Cabdalla Ducaale waxa ay metelayeen SNL, Cali Garaad Jaamac iyo Xaaji Ibraahim Nuur na waxa ay metelayeen USP, AHN, idilkood maanta aakhiro ayay ku wada maqan yihiin oo Axmed-keyse ayaa u dambeeyey.
Axmed-keyse waxa uu ka mid ahaa barlamaankii ugu horreeyey ee Somaliland ee Feb 1960 la doortay. Burco ayuu ka soo baxay. Waxa uu xubin ka ahaa afartii wasiir ee ugu horreeyey ee Somaliland, waxanu noqday wasiirkii ugu horreeyey ee beeraha markii uu is raacu dhacay ee Somaliland iyo Somaliya ku mudoobeen jamhuuriyadii Soomaalida, 1st July 1960.
Axmed-keyse waxa uu iska casiley
xilkaas wasiirnimada ka dib markii ay xukuumaddii Aadan Cabdalle Cismaan
is la garan waayeen qorshihii siyaasadda beeraha ee jamhuuriyaddii
curdinka ahayd.
Sidoo kale Axmed kayse wuxuu ahaa masuulkii dhisay Dugsiga farsamada gacanta Burco.
Danjire ayuu muddo ahaa Axmed-keyse, waayadii dambena waxa uu ku noolaa USA oo uu maanta xaqii ku haleelay. Allehaunaxariisto janadii farduusana haka waraabiyo .