Gudoomiye Saleebaan ayaa dalalka Beesha Caalamka ee Somaliland taageera ku eedeeyay in ay wiiqayaan hay’adaha Distooriga ah

0

Saleebaan Maxamuud Aadan guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa si adag ula hadlay weftiga beesha caalamka ee Khamiistii Madaxtooyada kula kulmay Madaxweyne Biixi iyo labada guddoomiye Baarlamaan.

Guddoomiye Saleebaan ayaa dalalka Beesha Caalamka ee Somaliland taageera ku eedeeyay in ay wiiqayaan hay’adaha Distooriga ah ee Somaliland. Waxa uu u sheegay in aanu jirin sharci fasaxaya in la kala diro Komishanka cusub, islamarkaana aanu jirin wax dambi ah oo ay leeyihiin.

Guddoomiyaha Guurtidu waxa kale oo uu beesha caalamka ku yidhi ‘Somaliland way isku filan tahay,” waxaanu intaasi raaciyay in ay bixin karto kharashka doorashooyinka ee Beesha Caalamku ka bixiso.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in uu taageersan yahay qodobada Guddoomiye Saleebaan u bandhigay Beesha Caalamka.

Sida uu ku warramay wargeyska Geeska Afrika oo kulanka xogo ka helay waxa uu kulankani ahaa kii ugu adkaa ee madaxweyne Biixi iyo Beesha Caalamka dhex mara kaas oo xaraaraddiisu saraysay, islamarkaana dhammaaday iyada masuuliyiinta Beesha Caalamka laga dareemayo cadho iyo niyad jab, sidoo kalena hadallada Madaxweyne Biixi iyo Guddoomiye Saleebaan ayaa ahaa kuwo cadho ka muuqato.

Madaxweyne Biixi dhankiisa waxa uu si weyn u weeraray dalka Turkiga oo uu ku eedeeyay in uu ciidamo u tababaro Soomaaliya kuwaas oo lagu soo weerarayo Somaliland, sidoo kalena saldhigyo ciidan ka samaystay Muqdisho. Beesha Caalamka oo isku dhan waxa uu ku eedeeyay in aanay dhex ka ahayn arrinta Somaliland iyo Soomaaliya waxaanu tusaale u soo qaatay xaddiga deeqaha ay kala siiyaan.

Xigasho:Wargeyska Geeska Afrika