Xukuumadda Somaliland ayaa saaka xidhay sagaal nin oo u dhashay waddanka Imaraadka Carabta kuwas oo si sharcidarro ah uga ugaadhsanayay gudaha Somaliland.
Raggan ayaa aroornimadii maanta lagu qabtay garoonka diyaaraha Hargeysa iyagoo doonaya in ay dhoofaan.
Carabtan ayaa dadweynaha degmada Sabo-wanaag oo ka tirsan gobolka maroodi-jeex markii hore u sheegay in ay mashaariic u fulinayaan balse waxa la ogaaday in ay si sharcidarro ah u ugaadhsanayaan.

Warkan waxa xaqiijiyay agaasimaha Duur joogta ee wasaaradda Deegaanka Naasir Xuseen.