Sheekh Fahd Al-Qaadi oo waddaad caan ka ahaa Sucuudiga ayaa ku dhex dhintay xabsi ku yaal Sucuudiga, geeridiisa ayaa caro weyn ka dhalisay baraha bulshada.
Arabacadii waxaa meydkiisa lagu tukaday salaadda Janaazaha misaajidka Al Rajxi ee ku yaal magaalad Riyaadh, waxaana kasoo qeybgalay dad fara badan.
Waxaana baraha bulshada lagu baahiyay muuqaallada aaska sheekha.
Qaar kamid ah warbaahinta ayaa sheegtay in geeridiisa ay timid markii xaaladda caafimaad ee Sheekh Fahd Al Qaadi ay dayaceen mas’uuliyiinta xabsiyada Sucuudiga.

Sannadkii 2013-kii, Al Qaadi waxaa uu ka hor yimid go’aan ay soo saartay wasaaradda waxbarashada Sucuudiga oo ahaa in gabdhaha ardeyda ah loo fasaxo inay ka qeybgalaan tartamada farddaha ee lagu qabto dalkaas.
Sheekh Qaadi, oo ku dhintay da’da 65 jir, waxaa uu ahaa waddaad caan ah oo si weyn ugu takhasusay shareecada Islaamka, waxaa uu kasoo shaqeeyay waxyaaha waxbarashada ee Sucuudiga kaddid markii uu ka qalin jebiyay kuliyadda shareecada ee jaamacadda Maxamed Bin Sacuud ee waddankaas.
Waxaa uu in muddo ah kusoo dhex jiray wacyigelinta bulshada iyo faafinta kheyrka.