
Mas’uuliyiinta dalka Nigeria ayaa sheegay inay qorsheyanayaan inay gacanta ku dhigi doonaan Libaax ku nool guri ku yaal duleedka magaalada ganacsiga ee Abuja.
Libaaxan ayaa la geeyay gurigaas si uu ilaalo uga noqdo halkaas.
Waxaana lagu soo warramaya in guriga laga helay Libaaxa ay ku noolaayeen qoys kasoo jeedo Hindiya.

Yinka Egbeyemi oo hogaamiyo laanta ilaalinta deegaanka iyo la dagaalanka dambiyada ee magaalada Lagos ayaa sheegay in Libaaxa maanta la geeyay goob lagu ilaaliyo duur joogta oo ku taal dalkaas.