Faransiis oo dib uu soo celiyay seef uu lahaa hogaamiye hore oo muslim ah

0

Faransiiska ayaa dib usoo celiyay seef uu iska lahaa hogaamiye hore muslim ah qarnigii 19-daa kaas oo ka talin jiray galbeedka Afrika.

Waxay arrintani kamid tahay dadaalka dib loogu celinayo dalalka galbeedka Afrika waxyaabihii taarikhiga ah ee la boobay.

Seefta waxaa iska lahaa hogaamiyihii muslimka ahaa ee ka talin jiray galbeedka Afrika Cumar Saidou Tall oo horkacayay dagaalkii ka dhanka ahaa guumeystihii Faransiiska.

Ra’iisul wasaaraha Faransiiska Edouard Philippe ayaa seefta ku wareejiyay madaxweynaha Senegal Macky Sall munaasabad lagu qabtay magaalada caasimadda ah ee Dakar.

“Waa maalin taarikhii ah” ayuu yiri madaxweyne Maky Sall.

Waxaa sidoo kale munaasabadda ku sugnaa qoys ku abtirsado Cumar Saidou.

Ra’iisul wasaaraha Faransiiska waxaa uu sheegay in mashruucan uu ka qeyb qaadanayo in Senegal dib loogu soo celiyo waxyaabihii taarikhiiga ah ee la dhacay xilliggii guumeysiga.

Waa kuma Cumar Saidou Tall?

El Hadj Omar Saidou Tall was a political leader, military commander and Muslim scholar who led the Tidjane brotherhood, a Sufi order in West Africa.

Al Xaaji Cumar Saidou Tall waxaa uu ahaa hogaamiye siyaasadeed, wuxuu sidoo kale taliye militari iyo Sheekh, waxaa uu hogaamin jiray ururka Tidjane ee Suufiyada galbeedka Afrika.

Waxaa uu la dagaallamay ciidammadii Faransiiska lga bilaabo 1857-dii ilaa 1859-kii , waxay heshiis nabadeed kala saxiixdeen Faransiiska sannadkii 1860-kii.

Sida taarikhyanadu ay sheegayaan, waxaa Sheekha la waayay xilli uu ku sugnaa dhulka taagga ah ee Bandiagara ee ku yaal Mali sannadkii 1864-dii.

Wiilkiisa Axmadou ayaa xilka kala wareegay sannadihii (1836-1897) balse waxaa jebiyay ciidammadii Faransiiska bishii April sannadkii 1893-dii xilli uu ku sugnaa Bandiagara.

Xilliggaas ayay aheyd markii Faransiiska ay kala wareegeen Seefta aabihiis, Cumar.

Sidoo kale Faransiiska waxay dhaceen buuggaag uu lahaa Sheekh Cumar, sida uu sheegay Al Xaaji Mamadou Mactar Thiam oo ka tirsan qoyska waddaadka.