Wasiirka Ganacsiga Oo U Hanjabay Jabhadaha Ka Samaysay Gobolka Awdal Kuna Goodiyay Inuu Gacan Bir ah Ku Qabaanayaan.

0

Wasiirka Wasaradaha Ganacsiga,Warshadaha Iyo Dalxiiska oo ku sugan gobolka Awdal oo ka hadlay madal dad badan ku sugnayd ayaa u hanjabay jabahada ka samaysay gobolka Awdal,waxana uu carabka ku dhuftay in ka xukumad ahaan gacan bir ah ay ku qabanayaan.

Wasiirka ayaa sheegay inay soo dhamaatay xiligi sasabata,se hada qori waxba taraynin oo isaga oo dawlada adeegsanayaa ay ku qabandoonaan cudud dawladeed oo adag,waana kan wasiirka u hanjabayaa jabhada ka samaysay goboladda galbeedka dalka.

Runtaan idinsheegayaa war qori waxba lagu helimaayo,lakiin iminka quusban ka taganahayba si kasta waan ula hadalynay si quruxbadan waan ula hadalny,dhinac kasta odayaal wala dhagaysan wayay,oo anaga waa nala dhagaysan wayay,laakinse waxaan u umalaynayaa hadii si wacan looga jawaabi wayay waxaan fishaba. ma ogtahay wadankan runtaan idin sheegayaa halkasaan wada jognaa tolkiibaanu nahay,meesha ay ku fararta waa aniga,ninkay dhibatadu haysata waa aniga ma dhici karayso in laydin sasabo hada waxii ka dib.waa qaranbaan nahay qaranku cudubuu leeyahay,waanalagu ixtiraamay in badan se awoodba jira ixtiraankii waala qadan wayay”ayuu yidhi Wasiirku

Wasiirku isaga oo hadalka si wata ayuu waxa uu yidhi”idinka ugu dhaw ka taliya hadaad ka talinwaydaan ma soconayso arintu,gacan bir ah ayaa wax lagaga qabanayaa runtaan idin sheegayaa,reer tolkay bilihii udanbeeyay way waasheen,bari iyo galbeedkoodaba anigu wasiir qaranbaan ahay,dhawr iyo labatan cisho waxaan ku mashquulsana si arinkan wax looga gaadhi lahaa kor iyo hoosna waan ugu dhignay,waxaan garan layahay gacanta ku laaban”ayu yidhi wasiir saajin