Wasiir Uganda ah o La Kulmay Nin Xerada Carbiska ku Nool o Sheegtay in Ex Madaxwayne Idi Amiin u dhalay

0

Ciidamada AMISOM ee ka socda Dalka Uganda ayaa Gobolka Shabeellaha hoose ka helay wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Uganda Ida Amiin Daada.

Midig, Sheekh Cabdalla Amiin.

Sheekh Cabdullahi Ida Amiin Daada ayaa waxaa uu Carbiska shalay kula kulmay Wafdi ka socda dowladda Uganda oo xildhibaanno ah kuwaas oo Soomaaliya u yimid qiimeynta Ciidankooda ku jira AMISOM.

Sheekh Cabdallahi Amiin, dhexda, Wasiiru dowlaha difaaca Uganda, midig

Sheekh Cabdullahi ayaa u sheegay Wafdiga iyo  isaga iyo qof kale oo la dhashay aysan garaneyn ehelkooda jooga Uganda,waxaa kale oo uu sheegay ay dhashay Hooyo Soomaali ah oo ka soo jeedda Baydhaba.

Sheekh Cabdullahi Amiin,waxaa uu ka mid ahaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya,waxaana uu hadda ku noolyahay Degaankaas.

Charles Okello Engola, oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda difaaca Uganda islamarkaana hoggaaminaya xildhibaannada ku jira Guddiga difaaca Baarlamaanka Uganda ayaa u ballanqaaday Sheekh Cabdullahi Amiin in uu xiriirin doono qoyskiisa Uganda iyo isaga.

Wasiirka ayaa sheegay in Sheekh Cabdullahi uu barayo walaalkiisa Taban Amin, oo hadda ah Agaasimaha hay’ad amaanka qaabilsan oo ka shaqeysa gudaha Dalka Uganda.