Waligaa Ma ma Maqshay Arinkan o kale Nigiskii Al Baqdaadi oo la xaday ayaa suurogeliyay in la ogaado goobti uu ku sugnaa

0

Xooggaga Kurdiyiinta ee Suuriya waxay sheegeen in sarkaal ka tirsan sirddoonkooda uu soo xaday Nigiskii uu xiran jiray hogaamiyihii ururka la magac baxay Khilaafada Islaamka Abuubakar Al Baqdaadi isla markaasna ay suurogashay inay baaraan dhiigga Hidde-sidaha taas oo u horseeday inay aqoonsadaan Al Baqdaadi ka hor inta aysan dilin.

Taliye sare oo ka tirsan ciidammada Kurdiyiinta oo lagu magacaabo, Polat Can ayaa ku anddacooday in helidda Nigiskiisa uu kaalin weyn ka ciyaaray in la ogaado halkii uu ku noolaa ka hor inta ciidammada gaarka ah ee Mareykanka aysan howlgal ka fulin gudaha Suuriya.

“Waxaa inoo suurogashay in aan helo Nigiskii uu qabi jiray Al Baqdaadi, waxaan ku sameyneyay baaritaan dhiigga Hidde-Sidaha ee DNA, waxaana boqolkiiba boqol xaqiijinay in uu yahay Al Baqdaadi” ayuu yiri Polat Can oo barta Twitter qoraalkan soo dhigay.

Polat wuxuu intaas ku daray in ciidammada Kurdiyiinta Suuriya ee SDF ay ciidammada sirddoonka Mareykanka ee CIA kala shaqeynayeen sidii loo qaban lahaa Al Baqdaadi tan iyo 15-kii bishii May.

Wuxuu sidoo kale sheegay in la ogaaday inuu ku dhuumaaleysanayay gobolka Idlib ee Suuriya halkaas oo uu weerarka ka dhacay, sidoo kalena uu Al Baqdaadi ku howlanaa inuu u wareego deegaano ku yaal magaalada Jarablus.

بولات جان Polat Can @PolatCanRojava  · Oct 28, 2019 Replying to @PolatCanRojava

2 – One of our sources was able to reach the house where Al Baghdadi was hiding. Al Baghdadi changed his places of residence very often. He was about to move to a new place in Jerablus.

بولات جان Polat Can @PolatCanRojava

3 – Our own source, who had been able to reach Al Baghdadi, brought Al Baghdadi’s underwear to conduct a DNA test and make sure (100%) that the person in question was Al Baghdadi himself. 488 8:56 PM – Oct 28, 2019Twitter Ads info and privacy