Dablay Hubeysan Oo Saaka Weerar Ku Qaadey Saldhiga Dhexe Ee Magaalada Borama

0

Dabley hubeysan oo  aan ilaa  hada la garan heybtooda ayaa waxaa ay saaka abaaro 5 subaxnimo ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhiga dhexe ee magaalada Borama .

Dableyada ayaa waxaa ay iska caabin xoogan kala kulantay ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland ee saldhigaasi ku sugnaa  taas oo sababtey in ay  meesha ka cararaan dableyadu.

Wax khasaare ahi  oo goobta ka dhacay ilaa hada lama sheegin balse shacabka magaalada Borama oo la yaaban raraastii meesha ka dhacday ayaa saaka isku soo xoontey  afaafka saldhiga dhexe ee magaalada Borama

Ciidamada amaanka ayaa ku dabo jira dableyadii weeraran soo qaadey saaka