Xildhibaan Nac Nac o Qoysas Danyar ah raashin u Qaybiyay

0

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa deeq raashin iyo lacag ah gaadhsiiyey qoysas ku barakacay damaca xukuumada ka galay dhulkii qoysaskaas oo ku yaala buurta kala jeexan ee Hargeysa

Xildhibaan Nacnac oo qoysaskan ku booqday dhulka laga barakiciyey eek u yaala buurta kala jeexan ee magaalada Hargeysa ayaa gaadhsiiyey raashin iyo deeq lacag ah oo ay mudo wax ku iibsan karaan. Xildhibaan Nacnac ayaa qoysaskan u sheegay inay taagan yihiin dadka reer somaliland ee ka xun dulmiga loo gaystay, isaga oo qoysaskana u jeediyey inay samraan isla markaana ay ku doodaan xaqooda.