Jilaayaal uu kamid yahay aktarka caanka ah ee dhanka aflaanta ee Hindiya, Shahruhkhan ayaa dhawaan lagu abaalmariyay Magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

0

Dowladda Sacuudiga ayaa abaalmarinta Joy Awards siisay dad uu kamid yahay Shahruhkhan oo lagu guddoonsiiyay xaflad ka dhacday Magaalada Jeddah.

Sidoo kale xafladda abaalmarinta ayaa waxaa lagu casuumay jilayaal kale oo caan oo ay kamid yihiin Van damme iyo Jackie Chan oo u kala dhashay dalalka Belgium-ka iyo Shiinaha, kuwaas oo la siiyay abaalmarin lamid ah tan la siiyay Shahruhkhan.

Joy Forum oo ah madal ay maalgeliso boqortooyada dalka Sacuudiga ayaa lagu xoojiyaa maalgashiga iyo madadaalada waxyaabaha la xiriira.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in sababta abaalmarintan loo siiyay Shahruhkhan iyo jilayaasha kale ay tahay in ay yihiin shakhsiyaad inta badan madadaaliya dadka caalamka, dadkuna ay ka helaan aflaanta caanka ah ee ay ku baahiyaan dunida, shacabka dalkaas na ay u baahan yihiin, maadaam shaneemooyinka dalkaas Sacuudiga haatan dib loo furay , si looga daawada aflaanta Bollywoodka, Hollywoodka iyo kuwa kale ee caalamka.

“Abaalmarinta Joy Premium award waa abaalmarin aad looga shaqeeyay oo bixinteeda lagu saleeyo aragtida dadweynaha, sidoo kalena la siiyo dadka faafiya farxadda iyo damaashaadka dunida, gaar ahaan dalkeena Sacuudiga”, ayaa lagu sheegay bogga hay’adda biixsay abaalmarinta.

Bixitan abaalmarinta ayaa sidoo kale waxaa la socda casho sharaf aad loo soo agaasimay oo loo sameeyo dadka la siiyay abaalmarinta iyo martida kale ee qeybgaleysa xafladda oo inta badan lagu casuuma dad caan ka ah caalamka iyo dalka Sacuudiga.

Shahruhkhan oo hadal ka jeediyay xafladda ayaa hadalkiisa ku bilaabay ‘Bismillah Al-rahman Al-rahim’, waxaana dadkii ka soo qeybgalay uu ku salaamay salaanta Islaamka ee “Asalaamu Aleykum”.

Shahruhkhan oo heysta diinta Islaamka, gudaha dalka Hindiya na aad uga ololeya nabad ku wada noolaashaha diimaha kala duwan ayaa 28 sano ka hor guursaday gabar Hindi ah oo lagu magacaabo Gauri Khan.

Intii uu jeedinayay khudbadda ayaa waxaa uu aad ugu dheeraaday mustaqbalka dalka Sacuudiga oo sanadihii dambe dowladda dalkaas ay xayiraadda ka qaaday waxyaaba badan oo ay kamid yihiin in la fasaxo shaneemooyinka dalkaas.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay qaabka loogu soo dhaweeyay Sacuudiga.

“Waxaan aad u hadal heynay sida la inoo soo dhaweeyay, wanaaga iyo jaceylka la inoo muujiyay, inteena bandanna waa markii ugu horeesay oo aan imaadno dalka Sacuudiga,” ayuu yiri ShahruhKhan.

Wuxuu intaa raaciyay in uu aad ugu faraxsan yihiin in la fasaxay shaneemooyinka dalka Sacuudiga.

“Waxaad heysaan sheekooyin badan oo aflaan laga sameyn karo, waxaana rajeneynaa in aan iska kaashano sidii aan idin caawin lahayn”, ayuu raaciyay.

Xafladda ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay Turki Bin Abdoulmohsen Al Sheikh oo ah guddoomiyaha guud ee hay’adda dalka Sacuudiga u qabailsan madadaaada.

Dowladda Sacuudiga ayaa bilihii la soo dhaafay ka shaqeneysay sidii ay u soo jiidan lahayd dalxiisayaasha caalamka.

Shahruhkhan ayaanan wax filim ah sameynin tan iyo horaantii sanadkan, kadib markii uu guuldaresytay filimkiisa ahaa Zero, kaas oo aanan wax dhaqaale ah ka soo xareynin shaneemooyinka caalamka, keentayna in Shahruhkhan iyo shirkadii sameysay filimkaba ay ku khasaaraan.

Dhaxal sugaha dalka Sacuudiga, Maxamed Bin Salman ayaa sanadihi dambe furfurnaasho dhaqaale iyo mid bulsho ka waday dalka Sacuudiga, oo ay kamid yihiin in dalkaas loo dalxiis tagi karo, dumarkana ay kaxeysan karaan baabuurta iyo in la fasaxo shaneemooyinka oo mamnuuc ka ahaa Sacuudiga.

Isbadelada uu hirgeliyay dhaxal suge Maxamed Bin Salman ayaa la aaminsan yahay in ay keentay in dad badan oo markii hore aan booqan jirin dalkaas ay booqdaan Sacuudiga.