Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Sabtidii lagu qaaday kolonyo baabuur ah oo ay saarnaayeen ciidammada Burundi xilli ay marayeen inta u dhexeeyso Balcad iyo Muqdisho.
Sarkaal ka tirsan ciidammada Soomaaliya ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in weerarka lagu dilay tiro kamid ah ciidammada Burundi.
Dhanka kale, sarkaal sare oo ka tirsan ciidammada Burundi oo ku sugan magaalada Bujumbura ayaa AFP u sheegay in 12 kamid ah ciidammada Burundi ee nabad ilaalinta u joogo Soomaaliya la dilay halka lix kalena ay weerarka ku dhaawacmeen.
“Nasiib darro 12 kamid ah ciidammadeena ayaa la dilay halka lix kalena ay ku dhaawacmeen weerarkii Sabtidii ay maleeshiyaadka Al Shabaab ku qaadeen xilli ay ciidammada kasoo laabteen howlgal, waxay saarnaayeen kolonyo baabuur ah inta u dhexeeyso Jowhar iyo Muqdisho” sidaas waxaa yiri sarkaal Burundian ah oo aan magaciisu la shaacin.
Al Shabaab waxay sheegtay inay ka dambeeysay weerarkaas oo ay sheegeen inay ku dhinteen 14 kamid ah ciidammada Burundi.
Sources: BBC