Wargeyska caanka ah ee The Indian Ocean oo daabacay in wadhadal hoose u socdo dawlada somaliland iyo dublamaasiyyin ruush ah, yaase ka shaqeeyay

0

Wargeyska caanka ah ee The Indian Ocean  ayaa cadadkiisii shalay wuxuu baahiyay qormo ku saabsan xidhiidh u socda dawladda Somaliland iyo dawladda Ruushka, kaas oo uu ka shaqaynayo madaxweynaha dala Guinea Alpha Conde.

Wargeysku wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi markii uu horraantii bishan la kulmay madaxweynaha Guinea  Alpha Conde ay isla soo qaadeen xidhiidh dhexmara Ruushka iyo Somaliland iyo in Somaliland saldhig milateri siiso dalka Ruushka.

Wargeysku wuxuu sheegay in madaxweyne Alpha Conde uu madaxweyne Biixi ku dhiirigeliyay inuu xidhiidh dhow la yeesho madaxweynaha Ruushka Vladimir putin.

Wargeysku wuxuu intaas raaciyay  in Mr. Zhogng Jianhua oo ahaa wakiilkii dawladda China u qaabilsanaa  arimaha Afrika sannadihii 2012-2016 oo uu sheegay inuu hadda yahay  la taliyaha madaxweynaha Ruushka ee arrimaha Afrika uu muddooyinkii u danbeeyay xidhiidh is daba jooga la lahaa madaxweyne Biixi si uu ugu qalqaaliyo inuu aqbalo in Ruushku saldhig milateri ku yeesho Somaliland.

Ruushka oo hore iskugu dayay inuu saldhigyo ka samaysto Sudan, Erateria iyo Djabuuti inuu hadda u muuqdo inuu Somaliland u soo guurayo oo uu qorshaynayo inuu saldhig ka samaysto deegaanka Saylac.

Wargeysku waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda Conakry ee dalka Guinea  ay tallaabooyinka danta u ah Somaliland qaaday markii ay aragtay dalal kale oo Midawga Afrika ka tirsan oo indhaha ku haya Somaliland.

Madaxweyne Alpha conde ayaa sida wargeysku sheegay wuxuu dawladda itoobiya u tilmaamay in dalalka Senegal iyo Niger ay taageersan yihiin qadiyadda Somaliland oo ay taageeri doonaan mooshin dan u ah qadiyadda madax bannaanida Somaliland.

Wargeysku wuxuu tilmaamay in dalalkani ay dedaaladoodan siyaadadeed iyo milateri uga dan leeyihiin fursado ganacsi oo u muuqda.

Wargeysku wuxuu intaas ku daray in madaxweyne Biixi intuu uu socdaalka ku joogay dalka Guinea uu booqday dhowr xarumood oo ah kuwa macdanta.

The Indian Ocean Newsletter ayaa soo hadal qaaday in dawladda Soomaaliya ay xidhiidhka u jartay dalka Guinea ka dib markii uu dalka Guinea soo dhawayn iyo qaabilaad u sameeyay Madaxweyne Biixi islamarkaana ay kulmeen Madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Alpha Conde.

 

 

Sources Wargeyska Geeska Afrika