Gabadh yar oo shan sano jirtay oo walaalkeed dartiis loo iibiyey

0

Nazanin waxaa lasoo doonay markii ay shan jirka ahayd, markii ay toban sano gaartayna waxayba ahayd marwo reer leh. Qoyskeeda ayaa lix sano kahor ninkeeda oo 12 jir ah ka siistay lacag gaaraysa $3,500.

Waalidkeed ayaa gabadhan iibiyey si ay lacag ugu helaan walaalkeed oo xanuunsan.

“Xanuunka wiilkayga hayey waxa uu ahaa mid aan loo dulqaadan karin, markii aan wajigiisa eegay, waxaan ku khasbanaanay in aan lacagta qaadanno”.

Nazanin aabbaheed waa uu ka war wareegayey balse waxaan saygayga ku qanciyay in uu lacagta oggolaado oo aan gabadheenna ku baddalanno”. ayay tidhi hooyadeed oo ku nool xero qaxooti oo lagu magacaabo Shahrak e Sab zoo kutaal Galbeedka Afghanistan.

Nazanin waalidkeed waxay dhaleen toddoba caruur ah – saddex gabdhood iyo afar wiil.

Waligood iskuul ma aanay tagin oo waxba ma akhriyaan mana qoraan. Hanti mahaystaan, shaqana haba sheegin.

Inayatulhaq Yasini oo katirsan BBC World Service ayaa ka waraystay waxa ku dhaliyey go’aanka ah in ay gabadhooda iibiyaan.iilkeenna waxaa haleelay xanuunka qallalka markii uu afar jirka ahaa mana aannan haysan lacag aan ku daawaynno” ayuu yidhi Nazanin aabbaheed.

Baahida ay qoyskaasi u qabeen in ay wiilkooda badbaadiyaan ayaa ku khasabtay in ay gabadhooda bixiyaan.

” Waxaan qaatay lacag waxaan oggolaaday in aan bixiyo gabadha carruurtayda ugu wayn ee Nazanin si loo guursado. Waxaan lacagtii ku bixiyey daawaynta wiilkayga, balse ma uusan caafimaadin, waxaa la ii qaatay in aan gabadhayda iska haysto” ayay tidhi hooyadu.

“haddii uu jiro qof sidaas ku iibiyey ilmihiisii way iska caddahay in uu ka qoomamaynayo. Waan ka qoomamaynayaa balse waxba itarimayso” ayuu yiri aabbaha qoyskaas.

Guurka carruurta

Da’da guurka ee haweenka dalka Afghanistan waa 16 jir, halka da’da guurka ee ragguna ay tahay 18 sano. Balse qaar badan ayaa ku guursada da’ intaas aad uga yar.

Marka la eego, warbixin ay soo saartay hay’dda Unicef sanadkii 2018, 35% gabdhaha reer Afghanistan waa la guursadaa isla marka ay gaadhaan da’da 18 jirka. 9% waxayba guursadaan ayagoon gaadhin 15 jir.

Dalalka kale marka la eego, dalka Niger ayaa ugu liita, oo 76% gabdhaha dalkaas waxaa la guursadaa ayagoon gaarin 18 jir.

Dalka Bangladesh oo waayadii dambe dhaqaalihiisu soo kobcayey, 59% ayaa lagu qiyaasaa gabdhaha la guursado ee da’doodu 18 jir-ka ka hoosayso.

‘Yaradka’

Dalka Afghanistan ayaa tobonaan sano dagaal la daalaa dhacayey, ayadoo abaarina ay u dheertahay, qoysas badan oo dalkaasi ku noolna mahaystaan shaqo waxayna ku nool yihiin saboolnimo.

Marka la eego shareecada Islaamka, ninka reerka dhisanayaa waa in uu bixiyaa hadiyad, hadiyaddaasoo badanaa lacag ah. Taas oo loo yaqaan Meher, waxaana lacagtaas iska leh gabadha la guursanayo.

Balse Meherka ka sokoow, gabadha aabbaheed ama walaalkeeda reer ugu wayn waxay doonaan oo ay qaataan lacag “yarad” – taas oo ay ka qaataan qoyska ninka caruuska ah.

Nin gabadhaha yarad laga qaato oo dhaqan u ah reer Afghanistan maahan wax sal iyo raad ku leh diinta Islaamka, sida uu sheegay Faizal Muzhary, oo ah cilmi baare.

Abaarta

Qoyska Nazanin ayaa waxaa sanadkii 2018 ku dhufatay abaar dad badan gaalafatay oo saamaysay inta badan dalka Afghanistan.

” Waxaanu ahayn beeraleey waxaan sidoo kale dhaqan jirnay xoogaa lo’ ah, balse wax kasta way na dhaafeen” ayuu yidhi aabbaha qoyskaas.

Xoolahoodii waxay ku baabe’een abaarta qoyskuna waxay ka hayaameen tuuladoodii kutiil gobolka Badghis ee Waqooyi Galbeed ee Afghanistan, waxayna dageen xero qaxooti oo u dhow magaalada Herat, oo kutaal xuduudda Afghanistan ay la wadaagto Iran.

Sida ay sheegtay qaramada Midoobay 275,000 oo qof ayaa ku barakacay abaarta ka dhacday Galbeedka dalka Afghanistan.

Guurka khasabka ah

Abaarta awgeed, qoyskaas ayaa ku khasbanaaday in ay bixiyaan gabadhooda aan xilligii guurka gaarin si ay u helaan wax ay cunaan.

Sanadkii hore ayaa Nazanin waxay noqotay toban jir, qoyskeeda ayaana u qaban qaabiyey aroos ay kasoo qayb galeen boqolaal qof.

“Gabadhayda Waxaan siiyey wax kasta oo aan u awooday. Lacagtii guurka ee aan qaadannay ma ahayn wax saas u sii badan” ayuu yiri aabbaha qoyskaas.